Taliyaha Ciidamada Amisom Gen Jonathan Rono oo maanta Gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa xarunta Madaxtooyada Maamulkaas kula Kulmay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ‘’Fartaag’’
Labada Mas’uul ayaa kawada Hadlay sidii loo bilaabi lahaa dagaalka Gobolada jubooyinka iyo Gedo loogu saarayo xarakada al-shabaab oo wali ku sugan meelo kamid ah Goboladaas,
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ‘’Fartaag’’ Oo saxaafada la Hadlay ayaa sheegay in Maamulka Juba-land u diyaar garoobay dagaal ka dhanka ah al-shabaab oo wali ku sugan meelo kamid ah Gobolada dalka soomaliya gaar ahaan Gobolada Jubooyinka iyo Gedo,
Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Amisom Gen Jonathan Rono oo warbaahinta kula Hadlay Madaxtooyada Maamulka Juba-land ayaa sheegay in Taliska amisom uu mar walba diyaar u Yahay dagaalka ka dhanka ah Xarakada al-shabaab,


Abdi Rahman Maxamuud liked this on Facebook.