Kooxo dadka dhicijiray Habeenkii oo lagu qabtay Degmada Dharkinley.

0

Ciidamada ammaanka Maamulka Degmada Dharkinley ee Gobolkan Banaadir ayaa gudaha Degmadaasi ka sameeyey howlgal ujeedkiisu ahaa soo qaqabashada kooxo hubaysan oo xiliyada habeenkii ah dadka rayidka ku dhibaateynjiray degmadaasi xaafadaha ku yaalla.
Inta u dhaxaysa Salaadaha Maqribka iyo Cishaha ayaa waxaa muddooyinkii dambe xaafadaha degmada dharkinley kooxo hubaysan oo wata mootada nuuca loo yaqaan Bajaajta ay dhac iyo dilalba ugu geystaan halkaasi dadka rayiidka ah iyagoona inta badan ka qaata agabyada ay wataan Sida Mobilada,Computerada iyo wixii kaloo alaab ah oo ay wataan.
Intaa ka dib Ciidamada Ammaanka ee Maamulka Degmada dharkiley oo kaashanaya Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa xaafadaha Degmadaasi ay ka bilaabeen Howlgal ka dhan ah kooxahaas oo laga sameeyey dhammaamba xaafadaha ay ka koobantahay degmadaasi.
Guddoomiye Ku xigenka Dhinaca Ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Degmada Dharkinley Daa’uud Cabdullaahi Nuur oo la hadlay Radio Simba Muqdisho ayaa Sheegay in Ciidanka Ammaanku ay gacanta Kusoo dhigeen qaar ka mid ah kooxihii dhibaatada Waday iyo kuwa kale oo uu sheegay in ay isticmaalayeen waxyaabaha Maanka dooriya.
Waxaa uu intaa ku daray daa’uud Cabdullaahi Nuur gudoomiye ku xigeenka Ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Degmada Dhgarkinley in kooxaha ay soo qabteen ay ku wareejinayaan Laamaha Ammaanka ee ku shaqada leh si waajibaadkooda loo mariyo.
Shacabka Kunool gudaha Degmada Dharkinley ee Magaalada Muqdisho ayaa Muddooyinkaan ka cabanayey kooxahaan ay sheegeen in ay dhibaatooyin farabadan ay u geystaan islamarkaana xilliyada habeenkii ah aysan awoodin in ay magaalada aadaan.
Halkaan ka dhageyso Codka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here