Wararka Saaka Idaacadda Simba ee Muqdisho ay ka heklayso deegaanno ka tirsan Gobolka Sool ayaa sheegaya in Xiisad colaadeed oo u dhaxaysa Ciidamo kala taabacsan Maamulada Soomaaliland iyo Khaatuma Saaka ay ka taagantahay deegaanno ka tirsan gobolka Sool gaar ahaan deegaanno u dhaw Degmada Taleex ee Gobolkaasi Sool.
Xiisadda ayaa la sheegay in y timid kadib Markii Masuuliyiinta Maamulka Soomaaliland ugu Magacaaban Gobolkaasi ay Shirkad ka shaqaysa Shidaal baaridda oo laga leeyahay dalka Norway ay la galeen heshiis ah in sahmin ku samayso shidaalka ku jira deegaanadaasi.
Intaa kadib Ciidamo taabacsan Maamulka khaatuma State iyo Maleeshiyo deegaanka ah ayaa diiday in wax shidaal baaris ah ay sameyso shirkaddaasi heshiiska la gashay Madaxda Maamulka Soomaaliland ee gobolka Sool.
Masuul ka tirsan Maamulka Khaatuma oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan raalli ka ahayn in deegaanadaasi laga sameeyo shidaal baaris uusan raali ka ahayn maamulkiisu ciddii isku daydana ay la dagaalamidoonaan.
Isla Wararkaan Waxaa ka hadlay Masuuliyiinta Maamulka Puntland oo iyana dhankooda sheegay in aysan ogolaandoonin shidaal qodista shirkaddaaasi ay ka waddo deegaanadaasi oo puntland ay ku sheegtay mid sharciga kasoo horjeeda.

