Iyadoo Shalay ay Dagaalo sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ku dhaxmareen degmada Diinsoor Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa AMISOM gaar ahaan Ethiopia ayaa Waxaa dagaalkaasi guulo ka sheegtay Maamulka Degmadaasi.
Guddoomiyaha Degmada Diinsoor Shikshigoow oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegay in Ciidanka Dowladda iyo Kuwa AMISOM ay la wareegeen inta badan Deegaanada Dagaaladu ay ka dhaceen islamarkaana ciidanka Al-shabaab ay qasaare xooggan ku gaarsiiyeen siduu yiri dagaalka ay kula galeen degmada Diinsoor ee gobolka Baay.
Waxaa uu sidoo kale sheegy gudoomiyaha in Saaka Ciidamadu deegaanadii shalay lagu dagaalamay ay ka wadaan howlgal uu sheegay in ammaanka goobahaasi lagu xaqiijinaayo, Ciidama badan oo katirsan dowladda ayuu sheegay in la geeynaayo deegaanadaasi si ay u xaqiijiyaan Ammaanka Guud ee degmdaasi iyo deegaanada hoosyimaada.
Waxaa hadalka Gudoomiyaha Degmada Diinsoor uu imaanayaa iyadoo dagaallo sida la xaqiijiyey uu qasaare badan kasoo gaaray dhinacyadii uu u dhexeeya uu ka dhacay Degmadaasi kaasi oo u dhexeeyey Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda iyo Saaxiibadood AMISOM.

