Cismaan Nuur Xaaji Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Gedo oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Makdhow ay Dowladda Kenya ay siisay dadkii Eheladooda lagu laayay duqeymihii ka dhacay Gobolkaas.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in duqeymaha ay fulinayaan diyaaradaha Dowladda Kenya inta badan lagu beegsado dagaalyahanada iyo Saraakiisha Xarakada Al-shabaab, ujeedkana uusan aheyn beegsiga shacabka ku nool Gobolkaas.
Wuxuu sheegay Cismaan Nuur Xaaji Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Gedo in qoysas badan ay Dowladda Kenya siisay lacago madaama dadkooda ay waxyeelo kasoo gaartay duqeymo ka dhacay Gobolkaas tan iyo markii Ciidamada Kenya ay soomaliya soo galeen sanadkii 2011-kii.

