Maamulka Gobolka Ged ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa faah-faahin ka bixiyey duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Tuulada Kalbis oo Saldhig Malatari ay ku leeyihiin dagaalyahanada Xarakada Al-shaabab.
Cismaan Nuur Xaaji Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Gedo oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda Soomaliya inay beegsadeen Tuulada Kalbis oo 8KM u jirta degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo oo ay ku sugan yihiin Xarakada Al-shabaab, wuxuuna Gudoomiyaha uu sheegay in duqeyntaas qasaaro xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.
Sidoo kale Cismaan Nuur Xaaji Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Gedo ayaa tilmaamay in deegaanka ay mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku xooganaayeen Xarakada Al-shabaab, islamarkaana qasaaro la gaarsiiyay uu isku jira Mid hantiyadeed iyo mid Nafeed, wuxuuna balan qaaday in ay dib kasoo gudbin doonaan qasaaraha rasmiga ah.

