Laba Wiil oo Walaalo ahaa oo Isku Dilay Baabuur Awgiis+Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in Laba ruux oo isla dhashay ay isku dileen  dhaxal ka dhexeeyey duleedka degmadaas.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhacdaan ay tahay mid ilaa haatan ay la yaaban yihiin shacabka Magaalada Jowhar islamarkaana labada wiil ay isku dileen dhaxal ka dhexeeyey.

Wuxuu sheegay in muran labada wiil u dhaxeeyay uu keenay in ay isdilaan islamarkaana uu soo jirey mudooyinkii ugu dambeeyay balse ay xalay ay keentay in ay isdilaan haatan meydkooda uu yaalo Saldhiga Magaalada Jowhar.

“Labo wiil oo walaalo ahaa ayaa isku dilay duleedka Degmada Jowhar,waxa ay isku dileen dhaxal ka dhaxeeyay oo ahaa gaari kuwa Raaxadda ah waxay ku murmeen waa la gadayaa iyo mala gadaayo,toorey ayaa isku adeesadeen labada Wiil, way dhinteen,jowhar arintaan ayaa laga hadal hayaa”, ayuu yiri qofka deegaanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here