Saraakiisha amaanka mamulka Jubba-land ayaa gacanta ku dhigay nin ay shegeen in uu bixinayay macluumaadka qarax uu ruux naftii hure ahaa ka fuliyay meel u dhaw xarunta madaxtoyada magalada kismaaayo.
Ruxan ay ciidama amaanka maamulka Jubbal-and gacanta ku dhigeen ayaa waxa ay sheegen in ay arkeen ciidama ninkan oo ku hadlayay Talefoon uu kaga war bixinayay qaraxa qabka uu u dhacay
Dhanka kale sharkiisha maamulka jubba-land aya waxe ay sheegeen in ay jiraan rag kale oo donayay in ay qaraxyo is midamin ah ka fuliyan gudaha Maagalada kismaayo.
Muqtar Cabdi Maxamed oo kamid ah sarakiisha nabad sugida maamulka jubaland oo la hadlay idaacada simba ee magala muqdisho aya faah faahin ka bixiyay ruxaan ay ciidama amaanka maamulkaas gacanta ku dhigeen iyo rag kale uu sheegay in ay ku dhax dhumaleysanayan gudaha magaalada kuwaa oo uu shegay iney doonayan in qaraxyo ay fuliyaan.
Inta la xaqiijiyay qaraxii ismiidaminta ahaa ee shalay ka dhacay meel ku dhow xarunta madaxtooyada maamulka jubaland aya la shegay in ay waxyeelo kaso gartay ciidamada qaraxa lala eegtay, Mas’uuliyada qaraxana waxaa sheegtay dagaalayahada Xarakada Al-shabaab.

