Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahan duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan xoojinta Amniga Caasimada aqalka Dowlada Hoose ee Xamar kula yeeshay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Taliyaha Qeybta Guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska soomaliyed iyo Saraakil katirsan Ciidanka Nabad Ilaalinta Amison,
kulanka ayaa inta uu socday ayaa waxaa looga hadlay sidii loo diyaarin lahaay qorsha lagu xaqiin karo amniga caasimada Soomaliya ee Magaalada Muqdisho oo ay ciidamada amniga Qaranka iyo kuwa AMISOM ay door uga qaadan lahaayen magaalada Madaxda Soomaliyed ee Muqdisho.















