War Deg Deg:-Wariye MM Macalin oo Goordhaweyd Geeriyooday

0

Alaha Ha unaxariistee waxaa goordhaweyd isbitaal ku yaala Magalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya  ku geeriyooday Wariye M.m. Moallim oo kamid ahaa shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaliya, sidoo kalana ahaa sarkaal ka tirsanaa  Bandhiga Dhexe ee Dowladda Soomaliya.

Wariye M.m. Moallim oo kamid ahaa shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta ayaa Muddo kasoo shaqeynayay wasaaradda Wafaafinta Soomaliya,wuxuuna mudooyinkiii ugu dambeeyay  uu jiifay isbitaalka ku yaala Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka kenya uu ku xanuunsanaa.

Wariye M.m. Moallim  ayaa sidoo kale soo noqday agaasimihii Radio Muqdisho

Geeridiisa waxaa xaqiijiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here