Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa la kulmay Kuxigeenka Qunsuliyada Ruushkaee fadhigiisu yahay Jabuuti Mr. Yury Kourchakov, Waana markii u horreysay ee muddo 38 sannadoodah diblomaasiyiin Ruush ahi yimaadaan Somaliland weftigani waxay ka wadahadleen Wasiirka Khaarajiga sidii loo balarin lahaa cilaaqaadka labada dal.
Wasiirku wuxuu u sharraxay halganka ay ugu jirto dalkeeda caawimo la’aan, isla markaana ay tahay meel dimuqraadiyadu ka tisqaaday oo guul weyn oo aan la dafiri karin ka gaadhay, halka dalka la jaarka ah eeSoomaaliya ay ka jirto xasilooni darro.
Wasiir Sacad waxa uu sheegay in Somaliland ay heli doonto aqoonsiga caalamiga ah oo ah mid u qalanto. Waxa kaloo uu intaas ku daray in ictiraafka Somaliland ay maslaxadi ugu jirto caalamka sababta oo ahnabadda iyo xasiloonida mandaqada.
Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti, oo waday Kuxigeenka Qunsulka Ruushka, ayaa kulanka Wasiirka ka hor,la yeeshay shir midhodhal ah Wakiilka Somaliland oo arrintaas ka hadlayay wuxuu yidhi; “Waxaan filayaa inaad arki doontid nabadda iyo xasiloonida Somaliland ku naaloonayso, waxaynu u socdaali doonaa Berbera iyo meelahakale ee taariikhiga ah ee Somaliland.”
Diblomaasigan Ruushka ayaa u mahadceliyay Wasiirka Khaarajiga Somaliland sida diiran ee uu u soo dhaweeyay,waxaanu sheegay inuu booqasho kale ku iman doono Somaliland,”ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Arrimahadibadda.
Dhanka kale kalena booqashada diblomaasigani waxay ku soo beegantay xili Somaliland aysaldhig millatari ka siisay dawladda Isutagga Imaaraadka carabta Madaarka Berbera oo Ruushku dhisay xiligii uusocday dagaalkii qaboobaa ee adduunku.

