Raisulwasaaraha Turky-ga oo Ka Qeyb Gali Doono Shirka Magaalada London

0

Ra’isul wasaaraha dalka  Turkiga Binali Yildirmini ayaa ka qeyb gali doona maalinta berri ah shirka aayo katashiga soomaaliya ee ka furmaya magaalada London sida lagu sheegay war ka soobaxay dowlada turkiga.

Ra’isul wasaaraha turkiga Yildirmini ayaa la xaqiijiyay booqashadiisa in ay tahay mid rasmi ah si uu kaga qeyb galo shirka London ee looga doodi doono go’aanada mustaqbalka dalka soomaaliya sanadaha 2017—ka ilaa 2020.

Madaxda ugu sareysa dowlada federalka soomaaliya iyo beesha caalamka oo dowlada turkiga iyo dalka Masar ay kamid yihiin ayaa sidoo kale shirka looga hadlayo qorshaha kor u qaadista nabadda iyo dhaqaalaha soomaaliya u madalsan in ay ka qeyb qaataan.

Inta lagu guda jiro booqashada  ra’isul wasaaraha turkiga waxa  uu kulumo la qaadan doonaa madaxda iyo hogaamiyaasha kulankaasi ka soo qeyb gala si uu ugala hadlo arimaha maalgelinta dalka dalka soomaaliya.

Hadalka ka soo baxay dowlada turkiga ayaa dhanka kale lagu sheegay in turkiga uu sii wadi doono taageerada uu ku bixinayo horumarinta iyo nabad galyada dalka soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here