Afhayeenka Ciidamada AMISOM Joe Kibet oo wareesi gaar ah siiyey Idaacada simba ee magaalada muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Taliska AMISOM ee Soomaliya uu aad kaga xun yahay shilalka ay geystaan darawaladooda,islamarkaana ay la xisaabtamaan.
“AMISOM aad bay kaga xuntahay shilalkaasi dhaca, marwalibana daroowaladeena waxaan ku wacyi gelinaa in ay wadooyinka si xasiloon u maraan si aynan waxyeelo u geeesan, waxaana raadineynaa sidii aan xal ugu heli lahayn oo aan usoo afjari lahayn shilalkaasi anagoo kala tashaneeno Booliska iyo NISA”,ayuu yiri Joe Kibet
Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM Joe Kibet ayaa sheegay in AMISOM ay aad kaga Xun tahay In darawaladda AMISOM ay dhib geystaan islamarkaana ay goobta isaga baxsadaan iyagoo aan u gargaarin shacabkii la dhibaateeyay.
“Markay dad waxyeeleeyaan oo aynan istaagin waa dambi fool xun oo aanan loo dulqaadan Karin, waxaanse ku wargelinaa haduuba shil dhaco in aynan cararin oo ay caawiyaan dadka ay waxyeelada u geestaan”, ayuu mar kale yiri Afhayeenka Ciidamada AMISOM Joe Kibet.

