Cali Gaab:-“Gawaarida La Baakimo Hareeraha Wadooyinka,Lama Ogola”,+Dhageyso

0

Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) Taliyaha Ciidamada ilaalada Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu amar kasoo saaray Gawaarida la baakimo wadooyinka.

Taliye Cali Gaab ayaa waxa uu sheegay in amarkaani uu yahay mid u wanaagsan bilicda caasimada iyo dhamaan shacabka degan Magaalada Muqdisho.

Waxuu sidoo kale sheegay in qasaaro badan ay ka dhalan karto hadii gawaarida la baakimo hareeraha wadooyinka magaalada Muqdisho, isagoo tusaalo ahaan usoo qaatay qaraxii shalay lala beegsaday afafka hore ee maqaayada Itaaliyaan Coffee waxuuna sheegay in qasaaraha ka dhashay qaraxaasi uu ahaa mid badan isagoo u sababeeyay gawaarida badan ee baakinaa hareeraha halka ay wax ka dhaceen.

Ugu dambeyntiina Cali Gaab waxa uu sheegay in dhaqan gelinta amarkaasi looga fadhiyo qeybta guud oo uu hogaamiyo Generaal Maalin iyo qeybta ilaalada wadooyinka oo uu hormuud u yahay isaga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here