11-ka bishaan oo ku beegan maalinta Khamiista ah waxaa Magalada London ee dalka Ingiriiska ka Furmi doona shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 40 dowladood iyo ururo caalami ah.
Afarta ajande ee looga hadlayo shirka Magaalada London waxaa kamid 1- Amniga, 2- kobcinta iyo dib u soo nooleynta dhaqaalaha 3-siyaasada iy dib u eegista dastuurka 4- Qaabka wada shaqeyneyd ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.
Shalay waxaa Magaalada London ee Caasimadda dalka ingiriiska gaaray wafdi horudhac u ah Dowladda Federaalka Soomaliya oo uu Hogaaminayay Madaxa Qaban qaabada shirka London ee dowladda Federaalka C/raxmaan Ceynte ahna La Taliyaha Madaxweynaha.
Taliyaha Madaxweynaha Soomaliya C/raxmaan Ceynte ayaa xusay in qodobadaas ay ku hoos jiraan qodobo badan oo muhiim u ah in laga heshiiyo, isagoo tusaale u soo qaatay qodobka amniga oo qorshihiisu yahay dhismaha ciidan oo qaab dhismeedkiisu ay ka hor-yimideen Xildhibaanada.
Sidoo kale arrinta dhaqaalaha ayuu sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay oo ah 5.5 bilyan oo dollar, oo Soomaaliya ay ku leeyihiin 28 dal, Hey’ado iyo bankiyo caalami, waxaana uu tilmaamay hadii aan deymahaas la cafin aanay Soomaaliya tabar u yeelan karin dib u dhiska dalka.
Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo inkaashiga Caalamiga ah ee Xukuumaddii Hore C/raxmaan Ceynte ayaa sheegay in shirka London looga hadlayo arrinta maqaamka Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya , oo ka mid ah qodobada ku hoos jira ajandaha siyaasada, isla markaana loo baahan yahay in laga heshiiyo.
Madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda Puntland,Jubba-land, Koonfur Galbeed Soomaliya,Hir-shabeelle iyo Galmudug ayaa ka qeyb gali doono Shirka London, kuwaasi oo siyaabo kala duwan ku gaaray magaaladaas.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo Ra’iisul Wasaaraha dalka Britain iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si wadajir u shir guddoomin doona shirka.

