Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo oo u Duulay Magaalada London

0

Wafdi Uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) ayaa saakay  u duulay Magaalada London ee Caasimada dalka Ingiriiska.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah  Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxayna Magaalada London ee dalka Ingriiska kaga qeyb gali doonaan shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 40 dowladood iyo ururo caalami ah.

Shalay waxaa Magaalada London gaaray wafdi horudhac u ah Dowladda Soomaliya oo uu Hogaaminayay  Madaxa Qaban qaabada shirka London ee dowladda Federaalka C/raxmaan Ceynte ahna La Taliyaha Madaxweynaha.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here