Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Caqabadaha Dowladda Hortaagan.

0

Xasan Sh.Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo hadal ka jeediyey Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hadda Caqabado farabadan ay hortaaganyihiin Xukuumaddiisa.

Madaxweynaha Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in loo baahanyahay in la caddeeyo oo aan laga xishoon cidda caqabadaha ku ah hormarka Dowladda iyo Ummadda Soomaaliyeed,Xubnaha dowladda iyo Wasaaradaha xukuumadda ayuu tilmaamay in ay iyaguna dhankooda cadddeeyaan oo ay iska ilaaliyaan wax isdaba marinta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in arimo farabadan oo caqabado ah oo hortaagnaa dowladda hadda la xaliyey taa badalkeedana wali ay taaganyihiin caqabado kale oo xallin u baahan sida uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay in looga baahanyahay in ay dowladda la shaqeeyaan si meesha ay uga baxaan caqabadaha dowladda haysta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here