Wararka Idaacadda Simba ee Muqdisho ay ka helayso Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu goor dhaw ka dhacay Qarax Gaarigiisa loogu xiray Sarkaal sida la sheegay Ka Tirsanaa hay’adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya.
Gaariga Xilliga uu qarxaayey ayaa la sheegay inuu marayey Meel U dhaw Saldhigga Degmada Waabari ee Gobolkan Banaadir gaar ahaan agagaarka Hotelka Maka Al-Mukarama ee Muqdisho.
Sarkaalkan ka Tirsanaa Nabad Sugidda Soomaaliya ee la sheegay inuu gaarigiisa Qarxay ayaa lagu magacaabijiray Maxamed Cabdullaahi Salaad Sida Idaacadda Simba ay u Sheegeen Dad ka agdhawaa goobta uu Falku ka dhacay.
Waxaa Wararkii ugu dambeeyey ee Idaacadda Simba ay helayso ayaa sheegaya in Sarkaalkan Markii hore lagu Qaaday qaab dhaawac ahaan ah balse Markii dambe uu ku Geeriyooday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho Sida la xaqiijiyey.
Goobta uu Falku ka dhacay ayaa hadda daggan Waxaana markuu falka dhacay ka dib Goobta Gaaray Saraakiil Ciidan oo dowladda Ka Tirsan.

