
Wararka caawa ka Imaanaya Gobolka Jubada-Hoose ayaa sheegaya In ciidamada xarakada al-shabaab ay la wareegeen Tuulooyin iyo deegaano Hoos Yimaada degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubada-Hoose,
Dadka deeganka Tuulo Barwaaqo oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in deegaanka uu ka dhacay dagaal xoogan oo dhaxmaray ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa al-shabaab oo markiib Hore weerar kusoo qaaday deegaanka,
Deegaanka ay al-shabaab la wareegeen waxaa Hoos Yimaada Tuulooyinka kala ah Shabaax, Tuula Barwaaqo, Dhiidi iyo Cali Bulleey dhamaan u dhexeeya Magaalooyinka Dhoobleey iyo Diif ee xadka Kenya iyo Soomaaliya.
Dhanka kale xiriiro aynu la sameenay saraakiisha ciidamada dowlada soomaliya ayay kaga Gaabsadeen in kaga Hadlaan dagaalka galinkii dambe ee Galabta ka dhacay deegaano Hoos Yimaada degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubada-Hoose,
