Madaxweyanaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud oo Hadal kooban ka jeediyay Furitaanka shirka ku saabsan xoojinta waxqabadka hay’adaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada soomaliya ay ka Go’an Tahay in shaqooyin loo sameeyo dhalinyarada Soomaliyeed ee shaqo la’aanta ah xiligaan,
Mudane Xasan sheikh Maxamuud Madaxweynaha dowlada Soomaliya ayaa sheegay in dhalinyarada soomaliyeed ee shaqo la;aanta ah ay ku Fikiri karaan Mararka qaar in ay Noqdaan al-shabaab, Burcad Badeed, kuwa dadka jidka u gala ee ka dhaca waxyaabaha ay wataan xiligaas,
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhanka Kale sheegay in dowladihii ay ku Howlan Tahay shaqo u abuurista dhalinyarada Soomaliyeed ee Ku Nool Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka soomaliya isagoona sidoo kale Tilmaamay in dowlada soomaliya ay dhalinyarada soomaliyeed ugu Talagashay waxbarasho lacag La’aan.

