Feysal Waraabe Oo Soo Jeediyay in Ay Somaliland Samayso Hub Uruursi+Dhageyso

0

Gudoomiyaha Xibsiga UCID ee Maamulka Somali-land Injineer Feysal Cali waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somali-land ayaa ka digay shirka Magaalada London loogu qabanayo dhinacyadda Soomalida.

Injineer Feysal Cali waraabe Gudoomiyaha Xibsiga UCID ee Maamulka Somali-land  ayaa sheegay in  shirka Magaalada London ee dalka Ingiriiska ka dhacaya uu yahay caqabad islamarkaana hadii la qaado talaabo ku aadan in laga qaado Soomaliya cuna-qabeynta hubka saaran  ay soo laaban doonto in qabiiladda Soomaliyeed ay gacanta ku dhigaan hubka islamarkaana ay wax ku gumaadaan sida horey u dhacday.

Madaxda Maamulka Somali-land  uu ugu Horeeyo Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayuu ugu baaqay in ay ka hadlaan qodobo ka quseeya shirkaas London ka dhacaya islamarkaana ay kasoo horjeystaan in Soomaliya laga qaado cuna-qabeynta hubka oo saaran muddo sanado ah.

11-ka May ayaa lagu wadaa in magaalada London ee caasimadda dalka ingiriiska in lagu qabto shirka u dhaxeeya dhinacyadda Soomaliya iyo beesha Caalamka,qodobada loogu hadlaayo shirkas waxaa kamid ah  dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here