Maamulka al-shabaab ee degmada Buur-hakaba ee al-shabaab ayaa xukun Dil ku Fuliyay wiil la sheegay in uu Kufsaday gabar kamid aheyd dadka deeganka degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay,
Wiilka xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa Magaciisa Lagu sheegay Xasan Macalim Madeey waxaa la sheegay In Mudo ka Hor uu kufsaday Gabar Lagu Magacaabo Xabiibo Caliyoow Cabdullaahi,
Fagaaraha degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay waxaa maanta iskugu soo baxay dad aad u Fara badan oo daawanayay qaabkii loo Fuliyay xukunka maanta Lagu riday wiilka Gabadha Kufsaday,
Meelaha ay al-shabaab ka arimiyaan waxaaa marar badan laga Fuliyay xukun sidaan oo kala ah waxaana ka Mamnuuc ah deeganada al-shabaab ay ka arimiyaan falalka Kufsiga, dhaca iyo waxyaalo kale,

