Xilligii uu Madaxweynahii hore ee dalka Masar Allaha u naxariistee Maxamed Anwar Saadaat heshiiska uu la saxeexday Israa’iil Sannadkii 1978-kii ayaa waxa dawladihii Carabtu u gooyeen xiriirkii Dublumaasi marka laga reebo dalalka Soomaaliya,Suudaan iyo Cummaan, waxaana laga soo raray Magaalada Qaahira xaruntii Jaamacadda Carabta. Waxaana loo raray Magaalada Tunis, ee Caasimada Dalka Tunisia.
Sida uu ii sheegay mar aan Nairobi kula kulmay ilaahay haw naxariistee Safiirkii Soomaaliya u fadhiyi jiray dalka Yemen iyo Magaalada Sanca Sannadihii 1983-2009-kii Safiir Cabdisalaan Macallin Aadam mid ka mid ah Shirkii ugu horeeyey ee lagu qabtay magaalada Tunisia ayaa waxaa lagu go’aamiyey in dalalka aan wali xiriirkii Dublumaasi u jarin ama u goynin dalka Masar lagu cadaadiyo in ay u jaraan cilaaqaadka.
Safiir Cabdisalaam wuxuu yiri: Madaxdii shirkaas isugu timi markii ay dhammeeyeen kulankii guud ee warbaahintu goob joogga ka ahayd ayaa waxa layska saaray war-fidiyeenadii waxaana la galay shir albaabadu u xiran yihiin. Waxaana lagu soo jeestay madaxdii aan xiriirka u jarin dalka Masar.
Suldaan Qaamuuska dalka Cummaan ayaa la weydiiyey sababta aanu ugu jarin xiriirka dalka Masar iyo Madaxwene Anwar Al-Saadaat,dabeedna wuxuu yiri Suldaan Qaamuus: Dalkaygu waa dal waxbarashada ku hooseeya dadkiisuna jaahiliin u badan yihiin, markaan xukunka qabtay dalku wuxuu lahaa hal dugsi oo sare, Masar waxay nagu caawisaa macalimiin iyo dhakhaatiir haddii aad arrintaas naga dabooli kartaan xiriirka haddaan u jarayaa.
Wuxuu yiri Danjire Cabdisalaam: Suldaan Qaamuus markiiba waa loo garaabay oo waxaa lagu yiri haday baahidaasi jirto waad sii wadi kartaan xiriirkiina dublumaasi ee Masar idinka dhexeeya.
Waxaa lagu soo jeestay Soomaliya , waxaana la weydiiyey waxa dib u dhigay in ay Soomaaliya cilaaqaadka u jarto Masar, Safiir Cabdisalaan Allaha u naxariistee wuxuu yiri: Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee oo kalsooni xoog leh ay ka muuqato ayaa hadalkii qabsaday wuxuuna sharaxay sababta aanay Soomaaliya xiriirka ugu jari karin Masar xilligan wuxuuna Yiri Madaxweyne Siyaad Barre: Waad ogtihiin in aanu Itoobiya dagaal kula jirno, culays badanina naga haysto dhinaca dalalka Ruushka Iyo Kuba oo la soo saftay Itoobiya, Hadaba taageero dhaqaale iyo khubaro millatari waanu u baahanahay, sidaasi daraadeed Masar oo xiriir aad u dheer uu inaga dhaxeeyo iyo idinkaba leh xiriirka u jara taageeradiina ayaanu u baahanahay.
Safiir Cabdisalaam wuxuu yiri xilligaas waxaa shirkaas hormuudka ahaa oo u ololaynayey in Masar xiriirka loo jaro oo la takooro Madaxweynihii hore ee Ciraaq Allaha u naxariistee Saddam Xusseen oo xilligaas madaxweyne ku xigeen ahaa iyo Boqorkii hore ee Sacuudiga Boqor Fahad Allaha u naxariistee, waxayna soo jeediyeen in Soomaaliya loo tixgaliyo xaalada ay ku sugan tahay oo aan lagu cadaadin in xiriirka u jarto Masar, waxayna ku dhawaaqeen in Soomaaliya la taageero si gaar ahna dhaqaale lagu taageero, kulankaasna malaayiin doolar oo Soomaaliya lagu taageerayo lagu go’aamiyey
Waxaa su’aal isagana la weydiiyey Madaxweynihii Suudaan ee xilligaas Allaha u naxariistee Jacfar Al-Numayri waxaa isagana laweydiiyey culayska ka haysta in uu xiriirka u jaro Masar, sabab lagu qanco markuu keeni waayey ayaa cadaadis lagu saaray in uu Masar xiriirka u jaro, isna waa uu ogolaaday oo shirkii ayuu kaga dhawaaqay in uu Masar xiriirkii dublumaasi u jaray.
Wuxuu yiri safiir Cabdisalaam Allaha u naxariistee oo xilligaas ahaa qunsulka Soomaaliya ee Qaahira Madaxweyne Siyaad Barre Allaha u naxariistee wuxuu waftigii la socday qayb ka mid ah oo uu hoggaaminayey Axmed Saleebaan Dafle iyagoo Dhanbaal sida uu u diray Masar si ay ula kulmaan Allaha u naxariistee Madaxweyne Anwar Al-Saadaat.
Kulankaas iyo kulankii Tunisia ka dhacay oo Safiir Cabdisalaan labada goob joog ka ahaa wuxuu yiri: Madaxweyne Maxamed Anwar Al-Saadaat wuxuu aad ugu dheeraday mawqifka ay qaateen dawladaha Soomaaliya iyo Cummaan, Madaxweynahii Suudaan ee Xiligaa Jacfar Al-Numayrina wuxuu ku tilmaamay nin khiyaameeyey oo hore ugu balan qaaday in aanu cilaaqaadka dublumaasi u jarayn maadaama xiriir gooniya oo qoto dheer ka dhaxeeyo labada dal ee dariska ah. Wuxuuna Madaxweyne Siyaad Barre noogu dhiibay ayuu yiri Safiir Cabdisalaam dhanbaal uu uga mahadcelinayey mawqifka Soomaaliya iska taagtay in Masar xiriirka loo jaro taasoo Soomaaliya ay diiday.
Kuwaasi waxay ka mid ahaayeen dharaaro ama maalmo la soo maray iyo xilligii Soomaaliya lagu xisaabtami jiray oo miisaan culus ay dunida ku lahayd lagana haybadaysan jirey iyadoo Soomaaliya ay mar kasta kasoo hor jeesan jirtay in ajnabi uu wax u yeeriyo oo ay ka amar qaataan.
FIIRO GAAR AH: Sawirka waa Allaha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre iyo Madaxweyne Maxamed Anwar Al-Saadaat Allaha u naxariistee.
Qalinkii: Asad Cadaani Ibraahi

