Madaxweynaha Dalka Mareynka Barack Obama ayaa Maanta Magaalada Paris ee dalka Faransiiska Kula Kulmay dhigiisa dalka Russia Vladimir Putin kadib markii dalkaas maanta uu ka Furmay shirka loogu Hadlaayo isbadalka Cimilada.
Barack Obama ayaa kala Hadlay dhigiisa dalka Russia Vladimir Putin sidii loo xoojin lahaa dagaalada dhanka cirka ah ee Lagula jiro kooxda daacish ee wali ku sugan dalalka Syria iyo Ciraaq,
Dhanka kale Madaxweynaha wadanka Mareynka ayaa kala Hadlay arinta ku aadan in meesha laga saaro Madaxweynaha wadanka Syria Bashar al-Assad, si dalkaas dib loogu soo celiyo Nabadii Horey ugu jirtay,
Madaxweynaha Dalka Mareynka Barack Obama ayaa sidoo kale dhigiisa dalka Russia kaga Tacsiyadeeyay dhimashii Bayloodkii Oleg Peshkov kasoo dhintay Kadib markii ay ciidamada cirka dalka Turky-ga ay soo rideen Diyaarad uu xiligaas waday,
Duqeymaha dalka Syria ay ka wadaan Diyaaradaha dowlada Russia waaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad shacab ahaa oo gaarayay 1,502-qof waxaa la aamisan yahay in qasaaraha soo gaaray kooxda Daacish uu aad u Yaryahay,










