Madaxweynaha Wadanka Mareykanka oo Magaalada Paris kula Kulmay Madaxweynaha Russia + Sawiro

0

Madaxweynaha Dalka Mareynka Barack Obama ayaa Maanta Magaalada Paris ee dalka Faransiiska Kula Kulmay dhigiisa dalka Russia Vladimir Putin kadib markii dalkaas maanta uu ka Furmay shirka loogu Hadlaayo isbadalka Cimilada.

Barack Obama ayaa kala Hadlay dhigiisa dalka Russia  Vladimir Putin sidii loo xoojin lahaa dagaalada dhanka cirka ah ee Lagula jiro kooxda daacish ee wali ku sugan dalalka Syria iyo Ciraaq,

Dhanka kale Madaxweynaha wadanka Mareynka ayaa kala Hadlay arinta ku aadan in meesha laga saaro Madaxweynaha wadanka Syria  Bashar al-Assad, si dalkaas dib loogu soo celiyo Nabadii Horey ugu jirtay,

Madaxweynaha Dalka Mareynka Barack Obama ayaa sidoo kale dhigiisa dalka Russia kaga Tacsiyadeeyay dhimashii Bayloodkii Oleg Peshkov kasoo dhintay Kadib markii ay ciidamada cirka dalka Turky-ga ay soo rideen Diyaarad uu xiligaas waday,

Duqeymaha dalka Syria ay ka wadaan Diyaaradaha dowlada Russia waaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad shacab ahaa oo gaarayay 1,502-qof  waxaa la aamisan yahay  in qasaaraha soo gaaray kooxda Daacish uu aad u Yaryahay,

2EEDF65600000578-3339362-image-a-51_1448900927192 2EEDE15800000578-3339362-image-a-50_1448900922770 2EEC4B2500000578-3339362-image-a-70_1448887218720 2EDF409200000578-3339362-image-a-53_1448886884544 2EDF406700000578-3339362-image-a-56_1448887141985 2EDF3FA200000578-3339362-image-a-71_1448887220902 2EDF3F0A00000578-3339362-image-a-68_1448887212558 2EDF3E8100000578-3339362-image-a-60_1448887157550 2EDF3E9100000578-3339362-image-a-65_1448887184048

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here