Dr. Cabdiraxmaan Faroole: Madaxweynaha Soomaliya Ha Tago isaga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

1

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa Nasiib daro ku Tilmaamay dagaalka ka dhacayay Maalmihii dambe Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole  oo warbaahinta kula Hadlay Magaalada garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Labo Maamul ay isku dagaalaan wado Laami ah oo la dhisaayo Taasina ay keento in dad badan ay ku dhintaan dagaalada ka dhacay Magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug,

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ugu baaqay Madaxda dowlada soomaliya uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaliya in ay Tagaan Magaalada Gaalakcyo si meesha ugu Baxdo wararka xanta ah ee loo jeediyo Madaxda dowlada soomaliya,

Waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku sugan Wafdi uu Hogaaminaayo Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke kuwasoo u joogo Magaaladaas xalinta Colaada Magaalada Gaalkacyo,

 

1 YORUM

  1. Waxaa harsi iyo hoyaadkii katagay hogaamiyaha xukuuma kahib markuu xurma la,aan kala kulmay gaas.waxaan ugu baaqeena madaxda la ixtiraayo waxaa su,aal ah mudane xasan shiiq cida ugu baaqi in uu yimaado macnaheeda wa in uu xag xagto maxishode gaas

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here