Dhageyso:-U jeedka Safarka Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo ee Baydhabo

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka koonfur Galbeed Soomaliya C/raxmaan aadan Sate oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ee magaalada muqdisho ayaa ka warbixiyay socdaalka madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu ku tagayo magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ah ee Maamulkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay u jeedka Socdaalka madaxweynaha Soomaliya uu yahay sidii uu ugu kuurgali lahaa xaaladaha ka jira deeganada Dowladd goboleedka Koonfur galbeed Soomaliya, islamarkaana uu kormeero ku tagi doono xarumaha ay ku suga yihiin dadka Barakacayaasha.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka koonfur Galbeed Soomaliya C/raxmaan aadan Sate ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Soomaliya maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu kulamo la qaadan doono madaxda ugu sareysa Maamulka koonfur galbeed Soomaliya uu ugu horeeyo madaxweynaha maamulkaas Shariif Xasan Shiikh aadan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here