Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed oo ka jaawabayay su’aal lagu weydiiyay kulanka TaloWadaag ayaa sheegay in Dowladiisa aysan aqabli doonin marnaba in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay dilal bareer ah u geystaan Shacabka Soomaliyeed.
“Nafta dadka Soomaliyeed waa qaali,dhigoodana waa qaali, waa arin laga xumaado Dowladda Soomaliya way ka hadashay, askartii horey dhibaato ugu geysatay shacabka Xabsi ayaa la dhigay, Ciidamada AMISOM dalka 10-sano ayay joogaan, naftooda ayay ku waayeen, balse ma aqbali doono in ay dhibaateeyaan Shacabka Soomaliyeed”, ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed.
Ciidamada AMISOM oo Soomaliya jooga muddo 10-sano ah ayaa dhibaatooyin aad loogu xumaaday u geystay Shacabka Soomaliyeed waxaa ugu dambeeyay fal ay ku jireen wiil dhalinyaro ahaa inkastoo la xiray darawalkiifalkaas ku kacay.

