Osoble:-“Cid Kasta oo Hir-shabeelle Cuna qabateyn Kusoo Rogta Maxkamad ayaan La Fuuli Doonaa”,

0

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jowhar ee Caasimada maamulkaas ayaa sheegay in maamulkiisa uusan marnaba aqbali doono in cuna qabateyn la saaro.

Madaxweyne Osoble ayaa tilmaamay in ay jiraan shaqsiyaad ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya oo doonayo in Hir-shabeelle la cuna qabateeyo balse ay Maxkamadda la la fuuli doonaan shaqsiyaaadkaas.

“Waxaan Xaqiijineynaa Cuna qabateynta Hirshabeelle Lagu rogay cid kasta oo ku soo rogtayna Maxkamad ayaan la fuuli doonaa Xaqiiqdi waxay tahay Hirshabeelle laguma xadgudbi karo sida aan loogu xadgudbi Karin dastuurka, Dastuurka ayaa siinaya awoodaha uu leeyahay Dowlad goboleedka, Cidna Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Xuquuqdeeda kuma tuman karto” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Tani ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Todobaadkii aynu soo dhaafnay diyaaradihii qaadka keeni jirey Magaalada Muqdisho ay ka degteen Magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hir-shabeelle cabasho ku aadanain lagu kordhiyay lacagaha Canshuurta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here