Camey:-“Puntland Ma Fududeysan Doonto Qatarta Kooxaha Burcad Badeeda”,+Dhageyso

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa ka hadlay qatarta Kooxaha Burcad Badeeda Soomaliya oo xiligaan dib usoo laabatay, waxa ay Puntland kaga dhigan tahay.

Camey wuxuu sheegay in ay Puntland leedahay Qiyaastii 1,700 KM Oo Xeeba , wuxuuna ka dhawaajiyay ineysan marnaba fududeysan doonin khatarta kooxahaasi, isagoo soo hadal qaaday falkii Burcad badeedu ay ku Afduubteen Markabkii ARIS 13 ee Ay Puntland ku guuleysatay in Laga Sii daayo kooxihii Burcada aheyd ee Qafaalatay Markabkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa qiray in dhalinyarada Afduubkaasi geysatay ay la kulmaan Falal isugu jira dilal Bareer ah iyo In Xiliyada qaar ay Maraakiibta jariifka ah Ka bur-buriyaan Qalabkooda kaluumeysiga, Taasina ay keentay iney ka caroodaan Dhibaatooyinka Ku soo noq-noqatay Dadkaasi.

Ugu danbeyna Madaxweyne ku xigenka Puntland ayaa sheegay iney Baarayaan Fal dhawaan dil loogu geystay 2 Qof oo Dhalinyara ah Kuwaas oo Meydkooda la soo dhigay Xeebta deegaanka dur-duri oo Ka Tirsan gobolka Sanaag, Waxaana la sheegay iney Dileen Ciidamada Ilaalada xeebaha ee Caalamiga ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here