Dowladda Ingiriiska oo Soomaaliya Ka Taageeraysa Amaanka iyo Dib u Dhiska

0

Dowlada Federalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa horay iskugu raacay heshiis taariikhi ah kaa oo ku aadan in gabi ahaan dalka lagu baahiyo ciidamo isku dhaf ah si ay u hantaan amaanka dalka Soomaaliya.

Dowlada Britian ayaa sheegtay in door muhiim ah ay ka qaadaneyso taageeradda nabad galyada iyo amaanka Soomaaliya waxaana ay xustay in £21 million oo bound in ay ku maalgelineyso dhisidda ciidanka Iyadoo taageerada UK ee soomaaliya ay kamid ah tababaridda ciidanka qaranka Soomaaliyeed iyo ciidamada midowga Africa ee Soomaaliya oo ay bixinayaan saraakiil military oo u dhashay dalka britian iyagoo tilmaamay in dowlada Soomaaliya ay kala Shaqeyn doonaan ka hor tagista falalka argagexisinimadda iyo Nabadgalyada.

Shirka magaalada London 11-ka bisha May lagu qaban doono ee Soomaaliya looga hadlayo waxaa diiradda lagu saari doonaa arimaha amaanka waxaana si wadajir ah dowlada federalka soomaaliya, maamul gobaleedyada dalka iyo beesha caalamka ay ku go’aamin doonaan sidii soomaaliya sanadka 2020-ka ay ku gaari laheyd Nabad iyo Barwaaqo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here