Maamulka Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in qaraxii Miino ee Shalay ka dhacay maqaayad ku taala Gudaha Degmaaas lasoo qabtay dad lagu Eedeeyey inay ka dambeeyeen Qaraxa.
Taliyaha Saldhigga degmada Qoryooleey Cali Maxamed Aadan oo la hadlay idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Howlgal la sameeyay qaraxa kadib islamarkaana lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo dad lagu tuhmaayo ku lug lahaanshaha qaraxa.
Sidoo kale Taliyaha Saldhigga degmada Qoryooleey Cali Maxamed Aadan ayaa tilmaamay in qaraxa uu dhaawacay oo kaliyah lix ruux oo kamid ahaa dad ku cunteenayay maqaayadda islamarkaana dhimasho aysan jirin.

