Madaxweynayaasha maamulka Puntland iyo Juba-land ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug si ay qeyb kaga Noqdaan xalinta colaada Magaalada Gaalkacyo ka Jirta,
Wararka Magaalada Gaakacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka imaanaya ayaa sheegaya in ay socoto qaban-qaabada Lagu soo dhaweynaayo Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Juba-land,
Dhanka kale wararka isla Magaalada Gaalkacyo ka imaanaya ayaa Tilmaamaya in Magaaladaas ay Manta kulan wada-hadal ah uu ku dhaxmari doono Madaxweynayaasha Maamulka Galmudug iyo Puntland oo dhawaan ciidamo ka kal Tirsan ay ku dagaalameen Gudaha Magaaladaas,
Magaalada Gaalkacyo waxaa sidoo kale ku sugan raisulwasaraha soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke iyo Labada Golle ee dowlada soomaliya , Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Mudane shariif xasan shiikh aadan kuwasoo ku Howlan xalinta Colaada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,

