Malaayiin Soomaali ah oo ay saameysay abaaraha ka jira dalka soomaaliya ayaa qaramada midoobay waxa ay sheegtay in xaaladoodu ay ka sii xumaaneyso iyadoo xustay in abaaraha ay sii hurinayaan rabshada iyo dagaalada ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal katirsan qaramada midoobay oo ka soolaabtay qaar kamid ah deegaanada abaaraha ay saameeyeen.
Isaga oo magaalada New York kula wadlay saxaafada John Ging oo ah sarkaal sare oo ka tirsan laanta arimaha bini’aadinimada u qaabilsan qaramada midoobay ee OCHA ayaa tilmaamay in si dhaqsi leh ay ku socota saameynta abaarta waxaana uu intaa ku daray in 6.2 Million oo quf in ay u baahan yihiin Cunno Iyo Biyo halka cudurada daacuunka iyo jadeecada ay soo ridatay caruur ku nool qaar kamid ah deegaanada ay abaarta ku dhufatay.
Mr Ging iyo koox uu horkacayo oo deeganada abaaraha saameysay booqday kuwaa oo kala kala socday Hay’ada dhalaanka iyo caruurta ee UNICEF, hay’ada qaramada midoobe u qaabilsan taabagelinta bulshada UNFPA, iyo hay’ada horumarinta mashaariicda qaramada midoobe UNDP, ayaa waxa uu sheegay in safarkooda uu ahaa mid deg-deg ah si looga jawaabo xaaladaha halkaasi ka taagan iyo indho indehyn lagu sameynayo sidii deegaanadaasi gargaar bini’adanimo loo gaarsiin lahaa.
Deeq bixiyayaasha ayuu sheegay in 70% ay maalgeliyeen taa oo u dhiganta $825 million isagoo taageeradan lacageed sheegay in ay ka yarytahay tii lagu maalgeliay abaartii 2011-kii.

