Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo dib ugu laabtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa soo dhaweeyay Qorshaha Dowadda Soomaliya ee lagu dhisayo ciidan Qaran.
C/wali Gaas ayaa tibaaxay in Puntland ay diyaar u tahay hirgelinta ciidan qaran oo sumad Soomaliyeed leh, isla markaansa u adeegaya ummaada soomaliyeed dalkoodana ka xoraynaya oo ka nadiifinaya kooxaha nabaddiid ka ah ee ka soo horjeeda horumarka shacabka Soomaliyeed.
“Dhismaha Ciidan qaran ee Soomaliyeed waxaa hormuud ka noqon doona DFS anagana wixii nagaga aadan hawshaa ayaa nalaka rabaa inaanu fulino, hadii siday tahay loo hirgeliyo waxaanu rajaynaynaa inuu noqdo qorshe wanaagsan oo Soomaaliya dhibta ay kujirto ka saari kara, wadanku inuu xasilo oo shidada iyo dhibaatada Al-shabaab laga saaro waa guul, isla markaana in lahelo ciidan sumad sooliyeed leh oo dadka u adeega oo aan dhibaatayn shacabka, ayaanu rajaynaynaa Insha Allah’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

