Akhriso:-DF iyo Maamul Goboleedyadda oo Ku Heshiiyay Tirada Ciidamada Booliska ee Loo dhisi Doono

0
????????????????????????????????????

Dowladda Dhexe ee Federaalka Soomaliya iyo Maamul goboleedyadda dalka ka jira ayaa isku raacay Tirada rasmiga ah ee Ciidamada Booliska ee loo dhisi doono Soomaliya.

Qoraalo la helay ayaa muujinaya in Dowladda Dhexe iyo Maamul goboleedyadda dalka ka jira ay ku heshiiyeen in Ciidamo qaran dalka uu yeesho islamarkaana Ciidamada booliska ay noqdaan 32,000-askari oo loo qeybinayo Mamul Goboleedyadda iyo Dowladda Dhexe ee Soomaliya.

Inkastoo go’aan rasmi ah aysan wada gaarin Dowladda Dhexe ee Federaalka Soomaliya iyo Maamul goboleedyadda dalka ka jira ee ku aadan Tirada Ciidamada Booliska Soomaliyeed,hadana waxaa lagu muransan yahay tirada laga dhigayo Ciidamada Daraawishta oo kamid ah kuwa Booliska Soomaliyeed.

Tirada Ciidamada booliska ee haatan la shaaciyay ayaa la aaminsan yahay in ay tahay mid Macquul ah islamarkaana wax loogu qaban karo amniga dalka Soomaliya,waxayna tababaro ay ku qaadaan doonaan Gudaha dalka Somaaliya,mushaarkoodana waxaa bixin doona Dowladda Dhexe ee Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here