Dhageyso: Mid kamid ah Siyaasiyiinta Soomaliyeed oo ku baaqay in Magaalada Gaalkacyo la Geeyo Ciidamo ka Socda Amisom

0

Mid kamid ah Siyaasiyiinta Soomaliyeed ayaa ku baaqay in Ciidamo ka Tirsan kuwa Amisom in la geeyo Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen dagaalo u dhaxeeyay Maamulada Galmudug iyo Puntland,

Xildhibaan Hore Xasan keynaan Xalane oo Horey sidoo kale ugu Mid ahaa Xildhibaanadii KMG-ga ahaa ee  Baarlamanka Soomaliya oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay gudiga Xalinta Colaada Magaalada Gaalkayo ee Gobolka Mudug in ay ka shaqeeyaan in Magaaladaas la geeyo Ciidamo ka socda Amisom si loo kala dhaxgalo ciidamada dagaalamay,

Sidoo kale Xildhibaan Hore Xasan keynaan Xalane waxa uu ugu baaqay waxgaradka iyo odoyaasha Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug in ay ka dhaadhiciyaan Gudiga Xalinta Colaada Gaalkacyo in Magaaladaas la geeyo ciidamo ka socda Amisom, madaama Horey Ciidamo ka socda Amisom loo geeyay Gobolo ay kamid yihiin Shabeelaha Hoose, Galgaduud,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here