Madaxweynaha Maamulka Juba-land Axmed Madoobe oo Gaaray Magaalada Garoowe+ Sawiro

0

Madaxweynaha Puntlad Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka  Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Baarlama  Axmed Cali Xaashi ayaa maanta 29-Nov-2015  kusoo dhoweeyey Garoonka diyaaraha ee Garoowe Madaxweynaha Dawladda Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan  Wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo.

Weftiga oo ay kamid ahaayeen Madaxweyne ku-xigeenka Jubba-Land Generaal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Wasiiro, iyo Xildhibaano ayaa Waxaa  iyaguna   soo dhoweyn tooda ka-qayb qaatay Wasiiro kamid ah Golaha Xukuumadda Puntland, Xidhibaano iyo Masuuliyiin kale.

Soo dhoweynta weftiga kadib ayaa waxaa loosoo gelbiyey Qasriga Madaxtooyada Dawladda  Puntland waxaana halkaasi shir jaraa’id si’ wada jir ah ugu qabtay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Dawladda Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa haddalo soo dhoweyn ah kaddib sheegay Weftigu in uu u yimi xal u helidda dagaalkii kadhacay magaalada Gaalkacyo 22-Nov, iyo 28-Nov 2015  uuna ku ammaanayo wanaagga ay wadaan iyo soomaalinimada isagoona ku tilmaamay  in ay yihiin odayaal soomaaliyeed oo taladooda iyo tusmadoodaba loo baahan yahay.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin wax kasta oo maslax soomaalinimo lagu raadinayo Puntlandna ay weligeedba dhaqan iyo siyaasad u ahayd inay Nabad gelyada, wada jirka iyo midnimada soomaaliya horu keceeda ay ka shaqayso oo aanay dhaqan iyo caado toona u lahayn in ay horseedo dhiig soomaaliyeed oo daata.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Beesha Caalamka iyo Ummadda Soomaaliyeedba u sheegay in dagaalkani aanu ahayn dagaal u dhexeeya Dawladda Puntland iyo Maamulka Cadaado balse uu yahay mid meelo kale laga soo abaabuley eedda ugu horraysana ay leedahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

“Dawladda Federaalku iyadaa Sharci darro ku abuurtay Galmudug, iyada sharci darro ku hubaysay Gudug iyadaa haddana sharci darro ku taageereysa gardarada iyo dhibka mandiqadda, ma aha wax la qarinayo In ay si’cad uga qabgaleen dagaalkaasi ciidamadii dawladda Federaalku” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa  yiri:“Dhex-dhexaad kama aha Dawladda Federaalku wax Gaalkacyo ka socd, masuuliyada dhibkaasna waxaa hadhow qaadanaysa dawladda federaalka iyo  cidda kale ee la wadaagta”

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ku celiyey markale Puntland inaanay Cidna wax gor-gortan ah kala geleyn wixii wax udhimaya jiritaankeeda isagoona  ku booriyey weftiga  inay si dhab ah u taabsiiyaan cidda gardarrada wadda maadaama aan loo sinnayn dhibka kadhacay magaalada gaalkacyo.

Geesta kale Madaxweynaha  Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Puntland, Golayaashiisa iyo shacabweynaha Puntland soo dhoweynta ay u sameeyeen, isagoona sheegay safarkoodu inuu ku qotomo sidii xalwaara looga gaari lahaa shaqooqooyinkii kadhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

-DHAMMAAD-

IMG_8783 IMG_8780 IMG_8772 IMG_8760 IMG_8756 IMG_8737 IMG_8735

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here