Koonfur Galbeed oo Lagu Eedeeyay Dayaca Amniga Magaalada Marka+Dhageyso

0

Gudoomiye Ku-xigeenka Amniga Koonfur Galbeed Soomaliya ee Marka C/kariin Xuseen Xasan oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa ku eedeeyay madaxda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya in aysan waxba ka qaban waayeen amaanka Magaalada Marka halkaas o ay ka Taliyaan Xarakada Al-shabaab.

C/kariin Xuseen Xasan ayaa tilmaamay in wasaaradda Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya aysan waxba ka qabanin islamarkaana aysan joogin Magaalada marka Ciidamo tayo wanaagsan leh oo ka hortagi kara Xarakada Al-shabaab oo ku sugan xaafaddo ku yaala Magaalaadaas.

“Xaafado ku yaala Magaalada Marka waxaa waqti walba ka taliya Al-shabaab, anigoo ah Gudoomiyaha Magaalada Marka ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya, dibad joog ayaan ka ahay, wasaaradda Amniga koonfur Galbeed waan kala hadalnay sidii wax loogu qaban lahaa arintaan”, ayuu yiri C/kariin Xuseen Xasan.

Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa inta badan Maamula Xaafadaha magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa inta badan lagu eedeeyaa in aysan waxba ka qabanin Amniga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here