Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Cabdi Faarax Juxa oo warbaahinta kula hadlay Magaalada muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaliya ay mar walba diyaar u tahay in la isku soo dhabeeyo maamulada Galmudug iyo Ahlusuna Waljameeca islamarkaana Galmudug loo sameeyo Hal maamul oo dadka Gobolada Dhexe ay ku mideysan yihiin.
Cabdi Faarax Juxa ayaa tilmaamay in wafdigii kA socday Galmudug ay dhawaan magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya soo gaareen islamarkaana Ahlusuna ay soo gaareen dhawaana la guda gali doono wada-hadalka labada dhinac.
“Dowladda Soomaliya waxa ay mar walba ka shaqeyn doontaa sidii Maamul loo mideysan yahay loogu sameyn lahaa dadka Gobolada Dhexe ku nool, dhinacyadda Galmudug iyo Ahlusuna diyaar ayay u yihiin wada-hadalka”, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa dhankiisa sheegay in ay diyaar u yihiin wada-hadalka lala galayo Galmudug, si meesha loogu saaro dhibaatooyinka ay kala tabanayaan labada dhinac.

