Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo warbaahinta kula hadlay magaalada muqdisho ayaa sheegay in sababta loo hirgaliyay hab-raaca cusub ee qaadashada Baasaboorka Soomaaliya ay tahay In laga hortago in si sharcidaro ah lagu bixiyo Baasboorka.
“Sababaha ugu weyn ee loo hirgaliyay Xarunta hab-raaca cusub ee qaadashada Baasaboorka Soomaaliya waa in la hortagaa in Baasaboorka soomaliya aan lagu bixin hab sharcidaro ah, waana adeeg loogu talagalay in si fudud ay shacabka Soomaliyeed ku qaataan”, ayuu yiri Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).
Sidoo kale Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaliya ay mar walba ka shaqeyn doonto sidii loo hormrin lahaa arrimaha ku saabsan socdaalka shacabka aysan ku dhibaatooyin.

