Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qayb galay shir lagaga hadlayay xaalada Abaaraha oo halkii ugu hoosaysay maraysa iyo sidi dadka Soomaaliyeed loogu baaqi lahaa in gargaarka ay walaalahood soo gaarsiinayaan ay sii laba jibaaran maadama baahidu intii hore ay aad uga korortay.
Raii’sul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka iyo gudiga Qaran ee Abaaraha ayaa si wada jir ah Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kaalmo deg deg ah lasoo gaaran dadka Abaartu ay halakaysay.
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa madasha ka sheegay in kaalmada iyo is caawintu ay kamid tahay waxyaabaha Bulshada Soomaaliyeed ay caanka ku tahay xiligeediina la joogo oo aan la isku halayn Beesha Caalamka iyo cid kale oo dibada kaalmo ka keenta.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Abaartu ay gaartay halkii ugu xumayd isla markana dhawaaqyada soo yeeraya ay yihiin kuwo aad u xanuun badan oo gacan qabasho deg deg ah u baahan.
Qurba joogta Soomaaliyeed iyo Ganacsatada ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ku booriyay in ay si wada jir ah ugu istaagan u gargaarista dadka dhibaataysan isagoo sheegay in gudiga gurmadka Abaaraha ay shaqadiisu tahay in ay hubiyaan halka ay lacagahu ku baxayaan taasna ay meesha ka saarayso in laga shikiyo cida wax loo dhibaayo oo gudiga ay hormuud u yihiin culimadii ugu caansanayd dalka isla markana lagu yaqaano amaano iyo xilkasnimo.





