Wararka naga soo gaaraya deegaanka Garas-baaley ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in qarax miino oo dhulka Lagu aasay in halkaas lagula eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Gudoomiyaha deegaanka Garas-baaley ee duleedka Magaalada C/raxmaan Axmed Cali oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa nooca dhulka lagu aaso islamarkaana lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee wadada marayay.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in uusan qaraxa geysan wax qasaaro ah oo soo gaaray dadka shacabka ah iyo Ciidamada Midowga Afrika AMISOM oo wadada marayay,xaalkana uu haatan yahay mid aad u dagan.

