Maxakamada Ciidamada Qalabka sida Soomaaliya qeybta 60aad ayaa maanta Axad waxa ay xukun dil ah waxa ay ku riday askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya oo horaan bartamaha magaalada Baydhabo ku dilay qof shacab ah oo ka mid ahaa Ganacsatada magaalada Baydhabo.
Maxkamadda ayaa sidoo kale Xukun shan sano oo xabsi ciidan ah ku riday nin lagu eedeyey in uu ka tirsanyahay dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ee Gobolada Baay iyo bakool, kaasi oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amniga.
Waan Guddoomiyaha Maxakamadda ciidamada Qalabka sida Soomaaliya ee Qeybta 60aad ee Gobolada Baay iyo bakool Sheekh Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda ay maanta riday.
Maxakamada Ciidamada Qalabka sida Soomaaliya qeybta 60aad e Gobolada Baay iyo bakool ayaa horey u riday xukun dil iyo xabsi ciidam oo lagu riday askar ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

