Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha oo u Taagan Xilka Madaxweynaha Galmudug+Dhageyso

0

Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaaalka Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo la hadlay idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu u taagan yahay Xilka Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug oo dhawaan doorashada ay ka dhici doonto magaalada Cadaado.

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay inuu xaq u leeyahay inuu u tartamo xilkaas uuna iskusoo taago waxaase uu su;aashaas kaga gaabsaday inuu dib kasoo gudbindoono wixii dhanka musharaxnimadiisa kasoo kordha.

Doorashada madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug waxaa haatan u taagan Siyaasiyiin Dhowr ah oo xilal ka haya Dowladda Cusub ee Soomaliya, waxaa ugu cad cad shaqsiyaad ku guuleysan waayay doorashadii sanadkii 2012-ka ka dhacday Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ah ee Galmudug.

Odawaa

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here