Wafdi Ka Socda Maamulka Ahlusuna Waljameeca oo Muqdisho Kusoo Wajahan

0

Warar lagu kalsoonan karo oo ay halayso Idaacadda Simba ayaa ku waramaya in Xubno ka Socda Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu-sunna Waljameeca ay kusoo wajahan yihiin Magaalada Muqdisho,Islamarkaana ay ka qeyb galayaan wada-hadalada Maamulka Ahlu-sunna iyo Galmudug.

Muxudiin Cali Jimcaale(jakuula) oo ah madaxa Warfaafinta maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wafdiga ay saakay kasoo amba-baxayaan Magaalada Dhuuso Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, islamarkaana ay kusoo wajahan yihiin Muqdisho,ujeedkana uu yahay ka qeyb galka Wada-hadalka Maamulka Ahlu-sunna iyo Galmudug.

Dhanka kale Magaalada Muqdisho waxaa haatan ku sugan Madax ka Tirsan Maamul goboleedka Galmudug waxayna la sheegay in ay ka qeyb galayaan Wada-hadalka Galmudug iyo Ahlusuna si loogu maarmo qilaaf mar kale ka dhasha Doorashada Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here