Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ahna ku-simaha Raisul Soomaliya Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa maanta furay shirweyne heer Qaran oo looga tashanayo manhajka waxbarashada dalka iyadoona shirka ay soo qab-qaabisay wasaarada waxbarashada Xukuumada Soomaliya,
Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb Galaya Madax ka socota Maamul Goboleedyada dalka Ka jira, culimaa’udiinka Soomaaliyeed, Madaxda shirka ka qeyb Galaysa ayaa shirka ka jeedin doonta qudbado ay kaga Hadlayaan manhajka waxbarasho ee dalka iyo sida uu Noqon Karo,
Madaxdii shirka ka qeyb gashay waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha hay’ada culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo sheegay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay bulshada mideynta manhajka waxbarasho,
Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadro Bashiir Cali oo Hadal kooban Furitaanka shirka ka jeedisay ayaa sheegtay in wasaarada waxbarashada soomaliya ay ku Howlan Tahay sidii dalka soomaliya loogu dhaqan Galin lahaa Hal manhaj,
Ugu dambeynti waxaa shirka Furtaankiisa ka Hadlay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ahna ku-simaha Raisul soomaliya Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib isagoona wasaarada waxbarashada soomaliya ku amaanay dib usoo nooleynta manhajka Waxbarashada dalka,
Shirkaan loogu Hadlaayo Manhajka Waxbarashada dalka ayaa socon doona Mudo Labo Maalin

