Wararka ka imaanaya Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Gudaha degmadaas uu Maanta ka dhacay shil gaari oo geystay qasaaro Nafeed,
Inta la xaqiijiyay shilka gaari waxaa ku dhintay 4-qof Halka ay ku dhaawacmeen 20-kale oo kamid ah dadkii sarnaa gaariga Rakaabka ahaa ee Maanta Shilka Gaari ku Galay degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe
Gudoomiyaha degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Muxudiin shire Macalin oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Maanta Gudaha degmadaas uu ka dhacay shil Gaari oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac,
Dhanka kale Dadkii ku dhaawacmay shilka Gaari ayaa la dhigay Isbitaalka degmada Cadale ee Gobolka shabeelaha Dhexe iyadoona Maamulka degmada uu Gaargaar Caafimaad uu ka dalbaday dowlada Soomaliya.

