C/fataax Xaaji Cabdulle Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Shabeelaha hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in kulan ka dhacay Degmada Wanla-weyn ee Gobolkaasi lagu go’amiyay In AMISOM ay Bixiso Makdhow la siinayo dad Shacab ah marar is xig-xiga ay dhibaateeyeen.
Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Shabeelaha hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliyed oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa tilmamay in Maamulka uusan marnaba raali ka noqon doonin in Ciidamada AMISOM ay dhibaateeyaan Shacabka Soomaliyeed.
Sidoo kale C/fataax Xaaji Cabdulle Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in kulankii ka dhacay Degmada Wanla-weyn, ay ka qeyb galeen Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa AMISOM ee Gobolka Shabeelaha hoose ku sugan, islamarkaana la isku afgtay in AMISOM ay Makdhow ka bixiyo dhibaatooyinkii Ciidamadooda ka geysteen Gobolka Mudooyinkii dambe.

