Guddoonka Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hir-shabeelle ayaa ku dhawaaqay in La dhameeyey Khilaaf Muddooyinkii dambe u dhexeeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi, kaasi oo ka dhashay Magacaabistii Wasiiradda.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in xal waara laga gaaray khilaaf mudooyinkii ugu dambeeyay u dhexeeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi, islamarkaana la xaliyay Xildhibaanadii kasoo horjeeday qaabka Madaxweyne Cali C/laahi Osoble u Magacaabay Golihiisa Wasiiradda.
Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka hir-shabeelle in aysan Idaacaddaha ka sheegin caqabadaha Hortaagan Maamulka, islamarkaana wax walba ay tabanayaan ay kusoo bandhigaan kulamada Baarlamaanka Hir-shabeelle uu yeelano.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa sheegay in Maamulka uu tiigsanayo hormar la taaban karo, wuxuuna ugu baaqay dadka kasoo jeeda Hir-shabeelle in ay usoo gargaaraan dadkooda Abaaraha ay saameeyeen.

